Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda federalka Soomaaliya halkaasi ay ka sameeyeen howlgalo lagu sugayo amaanka.
Howlgalka oo ahaa mid lagu xaqiijinaye ammaanka ayaa ciidamada Dowladda federalka Soomaaliya waxa ay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid ammaanka Kismaayo ciidamada Dowladda ay ku hubinayeen.
Dhalinyaro badan ayaa la sheegay in ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen kuwaasi oo aan la ogeen tiradooda inta ay la eegtahay.
Magaalada Kismaayo ayaa ciidamada Dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay ka sameeyaan howlgalo sida la sheegay lagu xaqiijinayo ammaanka Magaaladaasi.
Daafeet.Com