Maddaxweynaha dalka kenya oo sheegey inuu xoojin doono wada shaqeynta dowlada somaliya

0
63

Madaxwaynaha dalk Kenya, Mwai Kipaki ayaa sheegay in la xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalkiisa, isla markaana ay xukuumadda Kenya ka qaybgalayso howlada dib u dhiska ee laga wado Somaaliya.

Madaxwayne Kipaki ayaa hadalkan ka sheegay xaflad lagu furayay xarunta caalamiga ah ee suuqa xorta ah oo Nairobi lagu qabtay.

Madaxwaynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay heegan uga jiraan weerarro argagixiso oo ay ciidamada ammaanka ka digeen, isagoo sheegay in ciidamada ay ka hortagi doonaan weerar kasta.

Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka maddaxweynaha kenya ayaa kusoo beegmaya xili ey ciidamada dalka kenya ey la wareegeen gacan ku heynta magalada kismaanyo halkaas oo ey ka talin jireen ciidamada alshabaab.

Daafeet.Com