Ciidamada dowlada oo la wareegey gacan ku heyta degmada wanleweyn

0
143

Ciidammada dowlada federalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xaley fiidkii la wareegay gacan ku heynta deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

Holgalkan ay Ciidammadu kula wareegeen deegaannadan ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose ayey ciidammadu bilaabeen gelinkii dambe ee maanta ayadoo howlgalkanna si gaar ah looga fuliyey wadada isku xirta gobollada Shabeelada Hoose iyo Baay.

Goobaha ay gelinkii dambe ee maanta la wareegeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Warmaxan iyo degmada Wanlaweyn oo gobolka Shabeelada Hoose ka wada tirsan.

Ma jirin wax iska caabin ah oo ay Ciidammadu kala kulmeen Maleeshiyada kooxda Al-Shabaab waxaana shacabka ku nool deegaannada galabta la xoreeyey ay Ciidammada kusoo dhaweeyeen sacab,mashxarad iyo caleemmo qoyan.

Daafeet.Com