Warar aynu dhawaan ka helney Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya halkaasi ay ka sameeyeen howlgal ballaaran.
Howlgalka oo ahaa mid lagu xaqiijinaayey ammaanka Degmada ayaa waxaa lagu soo warinayaa in ciidamada dowladda ay ka sameynayaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaasi.
Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa wuxuu sheegay inay xaqiijiyeen gacan ku haynta Magaalada Wanlaweyn.
Wuxuu sheegay in hada ciidamada dowladda ay wadaan howlgal sida uu sheegay ammaanka lagu xaqiijinaayo ayna gacanta kusoo dhigeen dhalonyaro badan oo gacan saar la leh ciidamada Alshabab.
Xaley waqti dambe ayey eheyd kolkii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gudah ugaleen degmada wanleweyn waxaana hada Magaalaadaasi si buuxda gacanta ugu haaya ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Daafeet.Com