Jaaliyada shanta caleemood ee north america oo soo dhaweeyey la weregitanka cidanka dowlada degmada wanleweyn

0
179

Jaaliyada shanta caleemood ee ku nool waqooyiga ameerica ayaa si weyn usoo dhaweeyey qabsashada ey dowladu qabsatey degmada wanleweyn uguna baaqey dhalinyarada iney la shaqeeyaan cidamada dowlada .

Jaaliyada ayaa arintaasi ku tilmamey iney tahay mid aad u wanaagsan lana doonayey iney dhacdo kol hore laakiin wax waliba ey iman karaan waqtigii Allah ugu tala galey iney dhacdo.

Jaaliyada ayaa waxaa ey ugu baaqdey masuuliyiinta ciidanka dowlada in la sugo amaanka shacabka ku dhaqan degmada wanleweyn lagana ilaaliyo dhibaatooyin ey mar mar geystaan ciidamada dowlada kuwaas oo mar walba ka dhacay goobaha ey la wareegaan cidamada dowlada.

Waxaa kaloo ey baaq u direen dhamaan jaaliyada shanta caleemood ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisaba iney ka qeyb qaataan dib u dhiska degmada dhinaca arimaha bulshada maadaamaa ey sanadihii lasoo dhaafey ku jireen xoriyad la,aan qolooyinkii heysteyna ey ku hayee dhibaatooyin badan.

Daafeet.Com