Prof Jawaari:- Barlamaanka waa iney noqdaan kuwa ugu horeeya ee dhowra sharciga

0
80

Guddoomiyaha baarlamaanka federalka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan ayaa ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee sharciga Ilaaliya.

Prof. Jawaari wuxuu sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay inuu noqdo mid shacabka Soomaaliyeed u horseeda inay sharciga ku dhaqmaan; isla markaana uu gaarsiiyo dalka xilli ay shacabka Soomaaliyeed ay soo dooran karaan hoggaamiyaha ay doonayaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka oo la hadlayay xildhibaannada ayaa xusay in looga baahan yahay baarlaamaanka inay si cad ula xisaabtamaan dowladda dalka hoggaamin doonta, si loo tuso shacabka Soomaaliyeed inaysan jirin wax la is-daba-marinayo.

Xildhibaannada baarlamaanka oo tiradoodu tahay 275 mudane ayaa intooda badan lagu soo xulay aqoon, iyadoo ay ku jiraan hoggaamiye kooxeedyo markii hore loo diiday inay ka mid noqdaan baarlamaanka, balse muran dheer kaddib dib looga daray.

Daafeet.Com