C/qaadir Sheekh Cali Diini Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya aan looga bahneeyn inay dhigtaan isbaarooyin dadka ay lacago kaga qaadayaan.
Wuxuu sheegay taliyaha ciidamada xooga dalka in ciidamada dowladda laga doonayo inay u naxariistaan shacabka Soomaaliyeed islamarkaana aysan dhibaateen maadaama shacabka ay u shaqeeyaan ciidanka.
Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kula dardaarmay ciidamada dowladda Soomaaliya inaysan marnaba xanibin ciidamada dowladda gaadiidka shacabka ah.
Si kastaba arintu ha ahaatee hadalkan taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa wuxuu imanayaa
xilli dadka qaar ay cabasho ka muujiyaan ciidamada dowladda Soomaaliyeed taasi oo ku aadan inay ciidanka u geestaan dhac iyo dhibaatooyin kale.
Daafeet.Com