Gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose oo ka hadley howlgalada ka socda gobolka

0
107

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose ee dowladda Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ciidamada ay ku qabsanayaan Magaalada Baraawe ee Gobalkaasi.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in ciidamada dowladda Soomaaliya ay u socdaan Magaalooyinka Baarawe,Buurhakaba iyo sidoo kale deeganada kale ee Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobalkaasi.

Hadalkiisa ayaa intaasi wuxuu ku daray in ciidamada dowladda aysan dhaafi doonin sida uu sheegay hal tuulo oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo Shabaab ay maamulaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe isku ballaarinaye deegaano badan oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose iyadoo Al-Shabaab ay ka baxayeen deegaano dhowr ah.

Daafeet.Com