Maddaxweynaha dowlada federalka somaliya oo u kicitamey dalka Ugandha

0
45

Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in safarkiisan uu yahay mid kooban oo uu uga qayb-galayo sannad-guuradii 50-aad ee kasoo xorriyadda dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inta uu ku sugan yahay Uganda inuu kula kulmi doono madaxda ka socota dalalka Afrika iyo kuwa caalamka, isagoo ka xusay madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki, madaxweynaha Masar, Mursi iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Talyaaniga.

Munaasabadda lagu xusayo markii Uganda ay xorriyadeeda ka qaatay dalka Britain oo berri ku beegan ayaa waxaa ka qaybgalaya madax ka socota afartan waddan oo ay Soomaaliya ku jirto, wuxuuna safarkan noqonayaa kii ugu horreeyay oo Xasan Sheekh uu dalka uga baxo tan iyo markii xilkan loo doortay 10-kii bishii September ee lasoo dhaafay.

Daafeet.Com