Ciidamada Alshabaab oo isku soo urursadey deegaanka Goobweyn

0
78

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 25-km dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka ay deegaankaasi soo gaarayeen ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan Al-shabaab islamakraasina ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan oo la sheegay in ay ka kala yimaadeen gobollo ay kamid yihiin Jubooyinka, Gedo iyo Shabeelooyinka ayaa waxa ay fariiso ka dhigteen deegaanka goobweyn, waxaana ay cabsi lasoo darastay dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa ku sugan deegaanka Madhamaato oo masaafo yar u jira deegaanka Goobweyn ee ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab, waxaana laga cabsi qabaa in uu halkaasi ka qarxo dagaal dhexmara labada dhinac.

Si kastaba arintu ha ahatee ciidamadan ey soo dhobeen alshabab  deegaanka goobweyn ayaan aheyn kuwo hor istaagi kara ama la sameyn kara dagaal fool ka fool ah ciidamada dowlada iyo kuwa amisom taas ayana ku kaliftey iney ey magaloyinka qaarkood isaga cararaan ayagoo aan sameyn wax iska caabin ah.

Daafeet.Com