Dagaal ayaa xaley ka dhacay wadada isku xirta afgooye iyo xamar gaar ahaan deegaanka calamada halkaas oo ey isku fara saareen ciidamada dowlada oo garab ka helaya kuwa amisom iyo ciidamada aslhabab.
Dagaalkan ayaa qarxay markii xoogag ka tisran Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM oo kusii jeeday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose oo halkaas marayay.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray xoogaggii Al-shabaab, ayaa haddana warar ay baahiyeen afhayeenno u hadlay Al-shabaab waxay sheegeen in weerarka ay ku gubeen mid ka mid ah gaadiidka AMISOM, taasoo uu beeniyay afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud.
Lama oga qasaaraha dhabta ee kala gaarey labadha dhinac ee halkaasi ku dagaalamey bilse warar qaarkiis ayaa waxaa ey sheegayaan in ey ku dhinteen 2 askari oo ka tirsan ciidanka dowlada tiro intaasi ka badana waa ey ku dhaawacmeen.
Daafeet.Com