Dhaqdhaqaaq ciidan oo ey alshabab ka sameyneyso degmada Buur Hakaba

0
144

Wararka naga soo gaaraya Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalad cabsi ah ka jirto Degmadaasi halkaa oo laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan islamarkaana ay wadaan Ururka Al Shabaab.

Dad kusugan magaalada Buur hakaba ayaa cabsi weyn ka qaba in magaalada lagu dhex dagaalamo ayadoo ey beryahan dambe ka bilaabatey isu abaabul dagaaleed ee u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa alshabab.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawlada ayaa ku sugan Degmada Walaweyn waxaana lagu arkayaa tuulada Jameecada Xaaji Xaamud oo ah deegaanka kala bara ama xuduuda ay wadaagaan Sh/hoose iyo Gobolka Baay.

Labo habeen ka hor ayeey Al-Shabaab iskaga baxeen Degmada Buurhakaba hase ahaatee xalay ayaa mar kale lagu arkay Degmadaasi ciidamada Al-Shabaab iyagoona muxaadaraad ay kasameeyeen halkaasina ay sheegeen inay ku dagaalami doonaan Degmadaasi.

Daafeet.Com