Maddaxweynada dowlada federalka oo la kulmey Mwai Kibaki

0
97

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Kampala kulan kula qaatay madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.

Waxay ka wada hadleen joogitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya iyo sidii dowladda Kenya ay uga qeyb qaadan karto sugidda ammaanka magaalada Kismaayo, iyagoo isku af-gartay qodobbadii ay isla soo qaadeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha dalka Burundi iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Talyaaniga, Staffan Demistura iyagoo ka wada hadlay xiriirka ka dhaxeeya.

Safarkan oo ah safarkii ugu horeysey ee uu ka qeyb galo maddaxweynaha dowlada federalka somaliya ayaa waxaa ey ku saabsaneyd in uu ka qeyb galo munaasabad loogu dabbaal-degayo sanad-guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay markii ay xorrowday Uganda.

Daafeet.Com