Askar ka tirsan ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa saddex qof oo shacab ah dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo rasaastaas ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.
Baabuurka rasaasta lagu furay ayaa ku socday degmada Afgooye ee gobolka Shabellada hoose, halkaasoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab bishii May ee sannadkan.
Ma jirto hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dilka ay ciidamada milateriga dowladda u geysteen dadka shacabka ah, iyadoo dadkii ku dhaawacmay rasaastaas la dhigay isbitaalka Madiina halkaasoo lagu daweynayo.
Si kastaba arintu ha ahaatee askarta dowlada ayaa ah kuwa si bareer ah shacabka ugu dila meel kasto oo ey joogaan ayaagoo aan talaabo ah laga qaadin inta badan taaso oo aan ku fasiri karno mar marka qaarkood dowlada iyo ciidamadooda ineysan u turin shacabka.
Daafeet.Com