Dalxa oo ka digey maamulada laga sameynayo Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose

0
48

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay arimaha maamulka Gobalada Shabeelaha hoose iyo Jubbooyinka oo ey beryahan dambe kooxo badani ey ku hardamayaan.

Xildhibaan Dalxa ayaa wuxuu sheegay inay jiraan dad doonaya qaab qabiil inay maamul ugu sameeyaan Gobaladaasi balse taasina looga baahan yahay inay dowladda Soomaaliya ka hor tagto.

Wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM looga baahan yahay inay meesha ka saaraan arimaha qabiilka oo ay wadaan sida uu sheegay dadka qaar taasi oo keeni karta dhibaato ka dhalata.

Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka digay dhibaato ka dhalan karta hadii dib loosoo celiyo arimaha qabiilka oo lagu saleeyo maamulada Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka taasina wuxuu uga digay Dowladda Soomaaliya inay ka hortagto.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa ah xildhibaanka keliya ee ka hadley arimaha isku godman ee ka jira gobolka shabeelaha hoose iyo jubada hoose ayagoo ey jiraan xildhibaano badan oo kasoo jeeda deegaankaa asaga qaarna sida nagu maqaaal ah eu dallaal ka yihiin sidii loo dhisi maamuladaa ayaga ah ayagoo ku wata danahooda gaar ahaaneed.

 

Daafeet.Com