Kooxo ka wadaa tirsan burcad badeeda Soomaalida ee ku sugan Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa waxaa ey ku daglaameen degmada hobyo ayadoo dagaalkoodu uu socdey in ku dhow saacado.
Inta la ogyahay sadex qof oo ragii dagaalamay ahaa ayaa ku geeriyooday halka dhaawacana uu intaan ka badan yahay kuwaas oo la gaarsiiyay Isbitaalada kuyaal Magaalada Hobyo.
Iska hor imaadkan ayaa waxa uu ka danbeeyay sida dadka deegaanka ay ku waramayaan ka dib markii lacago madax furashoo ah oo ay ka qaateen markab ay horay u afduubteen kooxahan ayna isku qilaafeen kadibna uu sidaasi ku bilowdey dagaalka.
Dhowr mar ayaa degmada Hobyo waxaa ka dhacay dagaal noocan oo kale ah iyadoo magaaladaasina ay ka mid tahay goobaha burcad badeeda Soomaalida ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin.
Daafeet.Com