Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiran, ayaa sheegaya in saaka magaalada ay ka jirto xaalad bandow ah, taasoo ka dhalatay markii xaley guri ku yaalla halkaas uu isku qarxiyay ruux isoo miidaamiyay.
Sida ay sheegayaan dadka ku sugan magaalada, waxa xiran gabi ahaan goobaha ganacsiga magaalada, waxana gaaf wareegaya magaalada ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jirto wax faah-faahin ah oo laga helaayo qaraxa xaley ka dhacay magaalada, laakin waxa la sheegayaa in uu jiro khasaaro.
Dhaq-dhaqaaqa magaalada ayaa aad u yer, waxana dadka ay ka cabsi qabaan in ciidanka ay baaritaano ka sameeyaan xaafadaha.
Daafeet.Com