Micel Andhoca oo kamid ah saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM e u qaabilsan dhanka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in muhiimad gaar ah AMISOM ay u leedahay qabashada Magaalada Wanlaweyne ee Gobalkaasi iyo garoonka Belidoogle.
Wuxuu sheegay in muhiimadda koowaad ee AMISOM ay u leedahay qabashada Wanlaweyn ay tahay meelo ku wanaagsan ciidanka iyo awdoodaha,sidoo kale wuxuu sheegay in muhiimadda labaad ay tahay inay Wanlaweyn u dhaxeyso Muqdisho Iyo Baydhabo oo ah Magaalooyin muhiim ah.
Micel Andhoca waxa uu sidoo kale sheegay in dhalinyarada ku jira Ururka Al-Shabaab uu ugu baaqayo inay joojiyaan dagaalka sidoo kalena dadkooda dhinac ay ka raacaan.
Si kastaba arintu ha ahaatee ciidamada dowlada iyo amisom waxaa ey alshabab ka qabsadeen dhulal farada badan oo ka tirsan gobolada dalka ayagoo meel walba oo ey la wareegaan amaanka ku ciyaara taasoo ey sabab u tahay ciidamada labisan dharka dowlada qaarkood oo weli isu mooda iney yihiin ciidamo beeleedyo.
Daafeet.Com