Ciidamada dowlada tabacsan iyo alshabab oo ku dagaalamey garoonka diyaaradaha ee numbar 50

0
78

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa waxaa uu dagaal ku dhex marey  maanta agagaarka garoonka diyaaradaha lambar konton ee gobolka Shabeellada hoose.

Dagaalkan ayaa waxaa ku dhintay afar ka mid ah dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas kasoo gaaray dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ku dhow garoonka diyaaradaha ee lambar konton.

Xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaan la ogeyn halka ay aadeen, welina kama aysan hadlin dagaalkaas dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Si kastaba arintu ha ahaatee awooda alshabab ayaa ah mid aan sidii la rabey loo yareyn sababtoo ah goob walba oo ey kusoo dhawaadaan ciidamada amisom iyo kuwa dowlada waxaa ey sameeyaan dib u gurasho taas oo keenta in mar mar ay soo qaadaan dagaal rogaal celin ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dagaallo dhacay sannadkan ku qabsaday saddex degmo oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose iyo deegaannada u dhexeeya, kuwaasoo kala ah, Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellada hoose, Afgooye iyo Wanlaweyn oo ay toddobaadkii hore qabsadeen.

Daafeet.Com