Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabaab ka wada gudaha Soomaaliya.
Warmurtiyeed uu soo saaray ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Soomaaliya hadda uu ka jiro ifafaale nabadeed oo ka dhashay dadaal ay sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya, loona baahan yahay in la qaado tallaabooyin muhiim ah oo dadaalkaas lagu xoojiyo.
Cunno-qabteynta hubka ayaa Soomaaliya sannadkii 1992-kii markii ay dhaceen dagaallo uu dhiig badan ku daatay, waxaana tan iyo xilligaas jiray guddi kormeer ku sameeya cunno-qabteynta hubka, kuwaasoo dhowr jeer ku eedeeyay dalal ay ka mid tahay Eritrea inay jabiyeen cunno-qabateyntaas.
Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 17,000 oo ka kala socda dalalka Uganda, Jabuuti, Burundi iyo Kenya, iyadoo sidoo kalena ay ku sugan yihiin ciidammo iyo saraakiil booliis ah oo ka socda dalalka Uganda, Nigeria iyo Sierra Leone.
Daafeet.Com