Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahoodii gobolka Banaadir, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) iyadoo xilkaas loo magacaabay mas’uulkii horay looga qaaday xilka gobolka Banaadir.
Wareegto kasoo baxday xafiiska gobollada iyo siyaasadda ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo xilkan laga qaaday sannadkii 2011, markaasoo ay inta badan Muqdisho ay ka talinaysay Al-shabaab.
Qoraalkan ayaa lagu sheegay in sidoo kale isbedel weyn lagu sameeyay maamulka gobolka Banaadir, iyadoo isbedelkan lagu sheegay in lagu dar-dargelinayo howlaha Al-shabaab ee gobolka Banaadir.
Magacaabistan cusub ee maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay imaanaysaa xilli Xarakada Al-shabaab ay tan iyo sannadkii hore isaga baxaysay degmooyinkii ay kaga sugnayd gobolka Banaadir.
Daafeet.Com