Taliyaha ciidanka boliska iyo agasimaha nabadsugida oo maanta booqasho ku tegey degmada wanlaweyn

0
50

Masuuliyiinta isugu jirta ciidan booliska iyo nabadsugida ayaa maanta booqasho ku tegey degmada wanleweyn masuuliyiintaasi oo ey ka mid ahaayeen Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Shariif Sheekuna Maya Agaasimaha Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg,Hogaanka Dambi baarista Dowladda Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise iyo saraakiil kale.

Markii ay halkaasi tageen waxa ay warbixino ka dhageesteen saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha hoose,kadibna waxa ay kulamo la qaateen Dadka deegaanka.

Intaasi kadib ayaa saraakiisha waxa ay tageen Garoonka Belidoogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay saxaafada kula hadleen.

Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed Axmed Macalin Fiqi oo ugu horeen saxaafada la hadlay ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada xooga dalka Soomaaliya guulaha waaweyn ee ka gaareen Gobalkaasi.

Wuxuu sheegay in dhawaan Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Wanlaweyn iyo Belidoogle la geyn doono ciidamada Nabadsugida qaranka si halkaasi ammaanka ay u sugaan.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi saxaafada kula hadlay Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaliyeeed Generaal Shariif Sheekuna Maya kaasi oo isna dhankiisa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha Badan ciidamo Booliis ah loo geyn doono Gobalkaasi.

Si kastaba arintu ha ahaatee cidamada la geyn doono degmada wanleweyn oo ey ka dhawaajiyeen laba masuul ma wexey noqon doonaan ciidamo beeleedyo loo labisey dharka dowlada oo dhibaatooyin u geysan doona shacabka ku dhaqan degmada mise kuwo u adeega dadka degmada wanleweyn.

Daafeet.Com