Xubnaha barlamaan oo maanta ku kulansan xarunta golaha shacabka

0
41

Kulan uu shir gudoominaayo gudoomiyaha baarlamaanka federalka Soomaaliya Prof Jawaari  ayaa maanta waxa uu ka bilowdey xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta Baarlamaanka uga socda Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayaa xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ey soo diyaariyeen gudiyo dhawaan loo xil saarey.

Ka hor inta uusan furmin Shirka Baarlamaanka ayaa waxaa Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya loo qeybiyay warqado ay ku qoran yihiin qoraalada ay soo diyaariyeen xubnaha Gudiyada ah ee loo magaacabay inay ka shaqeeyaan xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Daafeet.Com