Ciidamada dowlada iyo kuwa alshabab oo xaley ku dagaalmey qeybo ka mid ah gobolka banaadir

0
48

Ciidamada dowlada iyo kuwa alshabab ayaa waxaa ey ku dagaalameen xaley degmada dharkanleey iyo degmada yaaqshiid ee gobolka banaadir dagaalkaasi oo ey isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 6 qofood ooka tirsan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamey waxaana ku dhaawacmey ilaa iyo 6 qof.

Dagaalkan ayaa bilowdey ka dib kolkii xoogagga Al-shabaab ay weerarro gaadmo ah ku qaadeen koontarool ay ciidamada dowladda ku sugnaayeen iyo guri uu deggenaa mid ka mid ah saraakiisha hay’adda nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus ayaa sheegay in xalay kooxo Al-shabaab ka tirsan ay weerareen guri ku yaalla xaafadda Carafaat kaasoo uu deggenaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, wuxuuna sheegay in la eryay kooxihii weerarka soo qaaday.

Ma uusan sheegin khasaare ka dhashay weerarkaas, balse goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta inay arkeen maydadka afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan, iyadoo hoobiyeyaal dhinacyadu ay isku adeegsadeen ay ku dhaceen xaafado ka tirsan degmadaas lamana oga khasaaraha shacabka kasoo gaaray duqeyntaas.

Daafeet.Com