Kooxo ku hubeysan bistoolado oo odey dhaqameed ku toogtey xerada dhabaab

0
43

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa maanta oday dhaqameed caan ka ahaa xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-Bari Kenya ku toogatay xerada IFO.

Wararka ayaa sheegaya in afar nin oo hubeysan oo wajiyada duubtay ay bartamaha suuqa Ifo ku dileen Mahad Saacid Duceysane oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaalida, xubinna ka ahaa guddiga nabadgelyada xerada Ifo.

Dableyda dilka geysatay ayaa markiiba goobta ka baxsatay, waxaana gaaray ciidamada booliiska Kenya oo baaritaan hadda ka wada, mana jirto cid ka tirsan mas’uuliyiinta deegaanka oo dilka ka hadashay.

Si kastaba arintu ha ahaatee dhibaatooyinka ka socda xerooyinka dhadhaab ayaa sii badanaya maalinba maalinta ka dambeysa ayadoo hada ka hor dad sidaas oo kale loogu diley qaar kalana lagu dhacay.

Daafeet.Com