Tababar loo furey qaar ka mid ciidanka boliska somaliyeed

0
43

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa maanta tababar lagu baranaye baarista dambiyada kala duwan waxaa looga furay xarunta Tababarka Generaal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Xarunta lagu furay munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Booliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale masuuliyiinta dhanka Booliiska Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Khudbado kala duwan oo halkaasi laga jeediyay ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay ka faa’iideestaan tababarka maanta loo furay.

Waxaa meesha ka hadley taliyaha ciidamada Booliiska AMISOM kaasi oo sheegay in tababarkan uu yahay mid ay maal gelinayso Dowladda dalka Talyaaniga Booliiska Soomaaliyeedna looga baahan yahay inay ka faa’iideestaan.

Tirada ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee maanta tababarka loo furay ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 40-kuwaasi oo 10-kamid ah ay yihiin haween dhanka,waxaana ay isugu jiraan Askartaasi kuwa laga kala keenay Saldhigyada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Daafeet.Com