Ciidamada dowlada iyo amisom oo la wareegey gacan ku heynta degmoyinka yaaqbaraweyne iyo leego

0
44

Warar eynu dhawaan ka helney degmada wanleweyn ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa amisom ey la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose.

Deeganada ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen ayaa waxaa la sheegay inay kamid tahay deegaanka Yaaqbaraweyne iyo leego oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay xaqiijiyen gacan ku haynta Deeganadaasi kadib dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen deeganadaasi ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose.

Majirto dhanka Al-Shabaab wax war ah oo kasoo baxay kaasi oo ku aadan deeganada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay maanta la wareegeen goobahaa ayaga ah.

Daafeet.Com