Dekeda degmada marka ee gobolka shabeelaha hoose oo lagu dhawaaqey in la howl geliyo

0
195

Kadib kulan ka dhacay Dekeda Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose ayaa Xuseen Carab Ciise Ku simaha  Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda waqtigeeda uu dhamaaday wuxuu sheegay in dib loo furaayo Dekada Marka oo dhawaanahanba aysan shaqeyn.

Guddoomiyaha Dowladda ee Magaalada Marka Axmed Cabdi Raxmaan Cukaashe ayaa  sheegay in furitaanka Dekada Marka uu ku dhawaaqay Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in laga bilaabo maanta ay howlgalayso Magaalada Dekeda Sidoo kalena ay kusoo xiran karaan doomaha kala duwan ee shixnadaha u sida Magaalada Marka.

Dekada marka ayaa eheyd deked ey iska maamulan jireen ururka alshabab sanadihii ugu dambeeyey taasi gacantooda laga saarey bilihii lasoo dhaafey.

Daafeet.Com