Danjiraha ahana wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay guddiga dhaqaalaha iyo siyaasadda midowga Yurub inuu si buuxda u la shaqayn doono dowladda cusub ee Soomaaliya.
Wuxuu kaloo sheegay inay la shaqayn doonaan ururada bulshada ee ka shaqeeya Soomaalida, sida lagu sheegay war-saxaafadeed soo baxay Isniintii.
” Soomaaliya waxa ay nasiib u heshay in ay iyada iskeeda wax u sameesato, midowga Yurub wuu taageeri doono si wax fiican ay u sameeyaan, waxan si dhow u la shaqeyn doonaa dowladda cusub oo ay ku jiraan ururada bulshadda si ay door uga qaataan in la dhiso qaran Soomaali ay lee dahaya,”ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Warsaxaafadeedkan ayaa imana xili dowlada somaliya ey ka baxdey kumeel gaarka ayna dooneyso in wax walba oo loo qabanayo dowlada somaliya in lagu soo hagaajiyo dowlada oo aan loo soo marin gacan seddexaad.
Daafeet.Com