Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo bilhiii ugu dambeeyay la wareegay degmooyin ay ka talinaysay Al-shabaab.
Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in dagaalladu aysan joogsanayn illaa ay ciidamada ka socda dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya ay isaga baxayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu ka hadlay dagaal shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, kuwaasoo ay khasaarooyin fara badan ka dhasheen, isagoo sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid ay uga hortagayeen isballaarin ay wadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Xarakada Al-sabaab ayaan laheyd awood buuxda oo ey kaga hortagaan ciidamada dowlada iyo kuwa amisom taasoo keentey in laga saaro gobolo iyo degmooyin badan oo ey markii horey heysteen, hadalkan kasoo yeerey Abuu Mascad ayaa waxaa uu noqonayaa mid ey maddaxa ciida kaga dhowraneyso alshabab ee ma aha mid ey dagaal bareer ah kala hor iman karto cidamada dowlada iyo kuwa amisom.
Daafeet.Com