Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo maanta la horgeeyay fadhigii uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana fadhiga shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo ay kulanka xaadireen 215 mudane.
Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka lagu ansixiyay intii aan codka la qaadin ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ka shaqeysa sugidda ammaanka, horumarinta arrimaha bulshada iyo soo celinta xiriirka Soomaaliya ay la lahayd dalalka caalamka.
Wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya ma uusan sheegin xilliga uu rasmi ahaan soo bandhigi doono golihiisa wasiirrada, balse wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay noqon doon doonto mid tayo leh oo xoogga saarta siyaasadaha arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna hadal ka jeediyay fadhiga ayaa sheegay inuu ku doortay ra’iisul wasaare Cabdi Saacid inuu yahay nin ay wada-shaqeyn karaan sidoo kalena wax ka bedeli kara xaaladda uu dalku ku sugan yahay.
Daafeet.Com