Markab u raran ganacsatada reer kismaanyo oo kusoo xirtey dekeda kismaanyo

0
64

Markab sida shixnado ganacsi iyo dooni ayaa kusoo xirtay dakadda Caalamiga ah ee magaalada Kismaayo xilli dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya ay gacan ku heynta degmadaasi kala wareegeen Al-shabaab.

Doonida ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid faaruq ah, waxaana ay u timid in ay qaado Dhuxul walow masuuliyiinta dowladda ay diideen in dhuxul laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.

Sidoo kale waxa isla shalay magaalada kusoo xirtay Markab sida Shamiito kaasoo u rarnaa ganacsato reer Kismaayo ah, mana jiraan ilaa imika wax shaqo ah oo ka bilowday dekedda.

Degmada Kismaayo weli kama jiro maamul rasmi ah, walow uu imika shaqeynayo maamul ay si KMG ah u dhiseen saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni.

Daafeet.Com