Shabakadaha baidoamedia iyo daafeet.com ayaa waxaa ey wareysi xaasaasi ah a yeesheen gudoomiyaha degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose Cabdullahi Cabdi Axmed.
Wareysiga oo ahaaa mid aad u dheerayaa waxaa uu gudoomiyaha kaga hadley xaalada guud ee gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan tan degmada afgooye degmada afgooye.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka dhawaajiyey in maamulka ka dhisan degmada afgooye uusan eheyn mid ku dhisan cadaalad taasoo uu sheegey in degka deegaanka ey maamulka ku leeyihiin 3 xubnood dadka kalana ey yihii dad aan u dhalan deegaanka.
Gudoomiyaha waxaa kaloo uu ka hadley canshuuraha kasoo xarooda degmada iyo sida loo qeybsado waxaana uu inoo sheegey in inta bada ey qaataan ciidamada ku sugan degmada qeybna ey ka qaataan maamulka gobolka shabeelha hoosee 20% soo hartana uu ku fuliyo adeegyada degmada ey u baahan tahay.
Si kastaba arintu ha ahaatee wareysigan ayaa waxaa uu na tusayaa in cadaalad eysan ka jirin maamulada ka dhisan gobolka shabeelaha hoose ama ha noqoto mid degmo ama mid gobol taasoo ey maamulka ka buuxaa dad kasoo haajirey goboladii iyo degmooyinkii ey degenaayeen rabana iney xoog ku qaataan meelo eysan laheyn.
Hoos ka daawo wareysiga.
Daafeet.Com