Gudoomiye waaxeed lagu toogtey degmada wadajir

0
77

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa saakay ku dilay xaafadda Jiiro-maskiin ee degmada Wadajir guddoomiye waaxeed lagu magacaabo jiray, Burus, iyadoo kooxihii dilkiisa geystay ay goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ku sugan halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in guddoomiye waaxeedka la dilay lagu weeraray goob uu fadhiyay, iyadoo kooxaha dilka geystay lagu sheegay inay ahaayeen saddex dhallinyaro ah oo markiiba baxsaday.

Maamulka degmada Wadajir ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay guddoomiye waaxeedka ka tirsan degmadaas, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka loo geystay guddoomiye waaxeedkan oo ka dhigaya mas’uuliyiinta lagu dilay degmadaas kii afaraad tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisa.

Si kastaba arintu ha ahaatee dilkan qorsheyn ee maalin walba ka dhaca magalada muqdisho ayaa ah mid aan ilaa iyo hada loo helin wax xal ah ayadoo aad mar marka qaarkii moodo in aanba la rabin in wax laga qabto amaanka magalada muqdisho.

Daafeet.Com