Jaaliyada beesha Geledi ee North America oo shaley gelinkii dambe ku kulmey magaalada Atlanta gobolka Georgia dalka Mareykanka

1
137

magaalada Atlanta gobolka Georgia dalka Mareykanka ayaa waxaa shaley gelinkii dambe ku kulmey jaaliyada beesha gelledi, kulankan oo ahaa mid muhimadiisa xumbaarsan ayaa ka sakow jaaliyada Atlanta waxaa kale oo khadka telefoonka kaga qayb galay jaaliyadaha beesha Geledi ee ku kala nool dunida dacaladeeda kuwaas oo qadka ka soo kala galey wadamada Ingiriiska, Talyaaniga, Jarmalka, Holland,Sacuudiga, UAE,Mareykanka, iyo dalka Canada kulankaas ayaa waxaa looga hadley dhibaatooyinka ka taagan degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Kasoo qayb galayaasha kulanka ayaa waxaa ay si gaar ah diirada u saareen Dekereetooyinka isdaba jooga ah ee ay kooxaha dhulboobka ah ay jaababka kala soo baxayaan maalin kasta kuwaasi oo deegaano hoostaga degmada Afgooye looga dhiganayo degmooyin macmal ah sida deegaanada Lafoole iyo Ceelasha biyaha oo sida ay Soomaalida oo dhami ogtahay kuwa degmaysanaya maanta inay yihiin Qaxootigii shalay loogu sama falay inay sii degenaadaan dhulkaasi inta xal looga helayo dagaalka Sokeeyo kadibna dib u dejin loogu sameeyo dhulkoodii dhibaatada uga soo hayaameen.

Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa sidoo kale waxa ay ku nuuxnuuxsadeen in sabaha markii horeba keenay dagaalka sokeeye ay ugu weyneyd beelo sheeganayay in loo adeegsaday awood dowladeed laguna boobay xaqoodii misna dulmi la dul dhigay hadaba isweydiintu waxay tahay kooxihii shalay ku doodayay in la dulmay misna ka dagaalamay dulmigii lagu hayay inay maanta ay beelo kale dulmaan waa arin aan la filayn sidoo kale ayaa kulanka dadkii ka qayb galay waxay istuseen in dulmi falayaasha la tuso dulmigooda hadayan sidaa ku harina lagacansaaro.

Dood dheer ka dib ayaa kulanka waxa ay isku raaceen misna kasoo saareen baaq ku wajahan dhamaan maamulada Dowlada gaar ahaan kuwa usoo saxiixa dekereetooyinkan been abuurka ah ee Qaxooti loogu degmaynaayo goob lagu baxnaaniyay.

1- In dadka u soo qaraxay deegaanada Ceelasha biyaha,Lafoole iyo goob kasta oo ka mid ah xuduuda sharciga ah ee degmada Afgooye aanan lagu magacaabi karin degmo.

2- In maamulka degmada Afgooye aan lagu fara gelinin dadka reer Afgooye maadama dastuurka uu yahay mid federal ah.

3- In dib u celin loo sameeyo qaxootiga deegaansaday Lafoole iyo Ceelasha biyaha laguna celiyo dhulkii ay horay uga soo qexeen gaar ahaan maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb oo qaxootigan intiisa badani ay kasoo jeedaan.

4- In degmada loo sameeyaa ciidan Booliis oo ka soo jeeda degmada lagana saaro magaalada ciidamo beeleedyada dharka dowlada ku labisan ee degmada iyo dadkeedii dul degay.

5- In si deg deg ah loo qaado isbaarooyinka lagu dhoco dadka wadada dheer ee xiriirisa magaalada Afgooye iyo Caasimada Muqdisho gaar ahaan agagaarka calamada.

Kulanka ayaa sidoo kale baaq kaas la mid ah u dirayaan Xildhibaanada kasoo jeeda degmada Afgooye in ay u istaagaan u shaqeynta shacabka degmada Afgooye maadaama ay matalayaan waxayna ku booriyeen inay guntiga dhiisha isaga dhigaan xiligan adag ee lagu jira ay indhaha iyo dhegahaba furaan oo weliba geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuulaan soo dhicinta xuqquuqda shacab ay metelaan ee reer Afgooye.

Wabilaahi Towfiiq.

 

by Yasin abicar

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. dagmada lafoole iyo ceelasha biyaha waxaa leh beesha wacdaan ee beel weynta mudulood saas ula soco sxb muqdisho ilaa afgooye

Comments are closed.