Wafdi ka socda Urur goboleed Igad oo maanta tegey magalada kismaanyo

0
52

Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, halkaasoo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ku sugan magaaladaasi.

Masuuliyiinta dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayaa Wafdiga qado ugu sameeyay Hotel Kismaayo oo ku yaal xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaaayo, waxaana imika halkaasi ka soconayo kulan looga hadlayo arimaha Jubooyinka.

Sidoo kale masuuliyiintani ayaa la filayaa in kulankooda ay diiradda ku saaraan qaabka ugu haboon ee magaalada Kismaayo loogu soo rari karo shirka looga hadlayo maamul u sameynta Jubooyinka ee ka soconayo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ammaanka goobta uu shirka ka dhacyo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in marka uu kulanka dhamaado ay masuuliyiintani kormeer kusoo maraan qeybo katirsan magaalada Kismaayo.

Daafeet.Com