Warar naga soo gaaraya degmada wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamo beeleedyada labisan dharka dowlada ee dhawaan ururka alshabab kala wareegey gacan ku heynta degmada wanleyn u geystaan dhac dadka ku dhaqan degmada.
Mid ka mid ah shacabka ku nool degmada ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamda dowlada ey halkaasi ka geystaan dhac iyo boob aan loomeel dayan taasoo ey caado ka dhigteen ciidamada dowlada.
Cabasho tan la mid ah ayaa waxaa ey ayana kasoo yeertey wadada isku xira degmada wanlweyn iyo buurhakaba halkaas oo lagu furto gaadiidleyda iyo shacab mara.
Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horeysey oo aan maqalno dhacdooyinkan oo kale waxaa ey horey uga dhaceen degmada afgooye iyo degmada marka taasoo ey caadeysteen ciidamadamo beeleedyada labisan dharka dowlada in meel walba oo ey galaan in ey furtaan shacabka.
Daafeet.Com