Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa xalay si aad ah u adkeeyay ammaanka waddada weyn ee isku xirta gobollada dhexe, si looga hortago falal amni darro oo ay halkaasi kala kulmaan gaadiidleyda.
Taliyaha amniga ee degmada Dhuusamarreeb, Farxaan Macallin Cali ayaa sheegay in howlgallan uu ka dambeeyay kaddib markii ay gawaari badan ku xayirmeen magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka cabsi qaba kooxo burcad ah oo ku soo batay waddooyinka.
Wuxuu sheegay in ay soo gudbiyeen ku dhowaad 100 gaari oo ah kuwa xamuulka qaada oo muddooyinkii dambe ku xayirnaa Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.
Daafeet.Com