Munaasabad lagu soo dhaweynayo Ra’iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Saacid Garaad Shirdoon islamarkaana lagu sagootinaayay Ra’iisal wasaraarihii hore ee Soomaaliya Cabduwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Munaasabadaan ayaa waxaa goob jog ka ahaa Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,Gudoomiyaha Baarlamaanka federalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari,Wasiiradii Xukumadii Gaas iyo Sidoo kale qaar kamid ah Xilibaanda Soomaaliya Fanaaniin iyo marti shartaf kale oo aad u badan.
Ra’iisal wasaraarihii hore ee Soomaaliya Cabduwali Maxamed Cali Gaas waxaana uu u mahad celiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo u sameeyay munaasabadaan lagu sagootinaayay waxaana uu tilmaamay Gaas in Xukumadii uu hogaamiyay ay soo shaqeysay ilaa 14-bilood isagoona kula taliyay golihiisa Wasiirada ee lasoo shaqeeyay iyo shacabka Soomaaliyeed in ay siiwadaan shaqada qaran oo ay hayaan.
Ra’iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Saacid Garaad Shirdoon oo ka hadlay halka ay ka socotay Xafladaan ayaa waxa uu u mahad celiyay Madaxweynaha dowlada federalka Soomaliya iyo Ra’isal wasaarihii hore Soomaaliya isagoona ku amaanay shaqadii uu sooqabtay.
Gabagadii kulanka ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaana uu dhankiisa u mahad celiyay Xukumadii bad baado qaran oo uu hogaaminaayay Cabdiwali Gaas ayna suura galisay sida uu sheegay in Dalka ay ka dhacdo doorasho taas oo u dhacday si nabad ah.
Daafeet.Com