Afhayeenka ciidamada AMISOM Cornel Cali Adan Xaamuud ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka baxaan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium, kaddib markii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ay ka dalbadeen inay isaga baxaan garoonka si bisha Diseember ee sannadan ay uga billowdaan ciyaaraha kubada cagta.
Afhayeenku wuxuu sheegay in tallaabadan lagu dalbanayo in laga baxo garoonka kubada cagta ay caddeyn u tahay in ammaanka magaalada Muqdisho uu noqday mid wanaagsan, taasina ay keentay inay ogolaadaan inay aqbalaan ka bixitaanka garoonka.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa 2011 ka qabsaday inta badan Muqdisho oo uu ku jiro garoonka kubadda cagta Xarakada Al-shabaab, waxaana garoonka uu xilligaas ahaa saldhig ay ka duulaan xoogaggii Al-shabaab.
Afhayeeenka waxaa kaloo uu sheegey in ey ku qaadaneyso ka bixitaanka garoonka ilaa iyo bisha disember hadana ey bilaabi doonaan u diyaar garowga ka bixitaanka garoonka.