Burcad badeeda Soomaaliya oo tiradooda gaareysa ilaa iyo 10-ruux ayaa maxkamada Germanka waxa ay ku riday xukuno gaaraya ilaa iyo 7-sano maalintii jimcaha aheyd ee shalay,iyagoo lagu eedeynayo inay afduubeen markab shixnad siday.
Markabka kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ay afduubka u geysteen oo lagu magacaabo German Vessel MV Taipan,ayaa waxa ay ka afduubeen meel 530 Mile u jirta xeebaha Geeska Africa Bishii April 2010,kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa baaritaano lagu sameeyay kadib waxa ay qirteen inay afduubeen markab laga leeyahay wadanka germanka.
Maxkamada dalka Germanka ayaa waxa ay tilmaantay in kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee haatan ay xukunka ku rideen ay xoog madax furasho kaga qaateen markabka ay gacanta ku dhigeen taasi oo gaareysa hal Milion.
Mid ka mid ah Burcadbadeeda Soomaalida oo ka hor hadlay maxkamada ayaa waxa uu ku andacooday in dalkiisa Soomaaliya ay ka jirto masiibo islamarkaana baahi u geysay in uu ka qaraabto xeebaha Soomaaliya sida uu sheegay.
Maxkamada xukunka ku riday 10-kaan nin ee Soomaalida ee Burcadbadeednimada ku eedeysan ayaa qaarkood waxa ay ku xukuntay 7-sano halka,kuwo kalena lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.
Si kastaba arintu ha ahaatee xukumada la xukumayo burcad badeeda somaliya ayaan eheyn kan midkii ugu horeeyey, xukun noocan oo kale ah waxaa uu horey uga dhacay dalka mareykanka, holand, qaarna waxaa ey hada maxkamad ka sugayaan dalka kenya.
Daafeet.Com