Gaari ka mid ah gawaarida ka shaqeysa wadad isku xirta wanleweyn iyo buurhakaba ayaa maanta lagu rasaaseeyey asagoo halkaasi maraya kaasoo geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawaq.
Gaarigan la rasaaseeyey ayaa inta la og yahay waxaa ku dhintey labo qof lix qof oo kalena way ku dhaawacmeen gaarigan ayaa waxaa rasaas ooda kaga qaadey koox hubaysan.
Gaariga la rasaaseeyay oo uu noociisu ahaa Homey ayaa ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho wuxuuna ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qaar ka mid ah rakaab la socday gaariga oo markii ay gaareen Baydhabo ayaa sheegay in wadaha gaariga uu ka dhego-adeygay amar ay siisay kooxda dablayda ah oo ahaa in uu gaariga joogiyo kaddibna ay rasaasta ku fureen.
Daafeet.Com