Abuu Mansuur Al-amriiki oo cajalad muuqaal ah soo duubay ayaa kashifay sir aan caadi ahayn taas oo ah arimo badan oo ku saabsan Soomaaliya, isagoona banaanka soo dhigay khilaaf ka dhex aloolsan Xarakada Al-shabaab iyo saraakiisha Al-qaacida ee ka bar bar dagaalanta Al-shabaab.
Al-amriiki ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku dhinteen rag badan oo ka mid ah Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo uu tilmaamay inay u dhinteen ka dib markii laga faa’ideeystay khilaafka kala dhaxeeyay saraakiisha sar sare ee Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.
Raga uu magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Abu Dalxa Al Sudani, Abu Abdullah al Sudani, Abu Mansour Al Bayxaani, Saleh Cali Nabhan, iyo Abu Fadl al Qamri oo dhamaanba geeriyooday, waxaana uu ku cel celiyay ina khilaaf baahsan uu soo kala dhex galo Al-shabaab iyo Al-qaacida.
Video halkan ka daawo
Daafeet.Com