ciidanka boliska oo howlgalo ka sameeyey magalada qaar ka mid ah degmooyinka magalada muqdisho

0
46

Ciidamada Booliska ayaa howlgallo saaka ka sameeyeen  xaafado ka tirsan Degmooyinka Magaaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo qabqabteen rag hubeysan oo dil iyo dhac ka geystay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen ciidamada lagu soo qabtay labo nin oo hubeysan, kuwaasi oo dil iyo dhac geystay.

“Labada nin ee la soo qabtay mid waxaa uu jidka u galay oo uu rasaaseeyay ciidamada dowladda oo qof dembile ah waday, halka midka kalena uu qof rayid ah ku toogtay Isgoyska Bakaaraha, haatanna labadaas nin waxa ay ku xiran yihiin xarunta baarista dembiyada”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.

Jen. Maalin ayaa sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho uu ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa, isla markaana ay howlgallada sii wadi doonaan howlgallada ay ammaanka ku sugayaan.

Daafeet.Com