Magalada kismaanyo oo xaley laga hirgeliyey bandow

0
69

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaley bandow saaray magaalada Kismaayo, si loo sugo ammaanka magaalada oo maalmihii ugu dambeeyay dad rayid ah lagu dilay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee Kismaayo ayaa sheegay in bandowga – oo billowday fiidkii xaley uuna socon doonno illaa iyo 8-da subaxnimo ee maalinta.

Saraakiisha ma aysan sheegin in bandowga u yahay mid billowday oo sii socon doona iyo in kale.

Bandowga wuxuu yimid iyadoo maanta howlgallo hub iyo dhallinyaro lagu soo qabtay ay ciidamada dowladda ka sameeyeen magaalada.

Daafeet.Com