Warar ka imaanaya degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka dhaceen iskahor imaad dhexmaray Shacabka magaalada iyo koox burcad ah oo doonaysay in ay magac dowladeed ku dhigtaan isbaaro gudaha iyo daafaha magaalada.
kooxdan oo sida la sheegay ka koobneyd 18 ruux oo isku beel ah kana soo jeeda beesha Habargidir gaar ahaan jufada Ceyr ayaa waxaa hogaaminaayey burcad Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade iyo horjoogayaasha kala ah Axmed Madane iyo Xuseen Kheyr oo hada ka hor degmada wanleweyn ku diley in ka badan 18 ruux oo shacab ah.
Ciidamadan oo ujeedkoodu ahaa iney gudaha iyo daafaha degmada wanle-weyn ay dhigtaan isbaarooyin dadka iyo baabuurta wadada maraysa kaga qaataan lacagaha loo yaqaan leejada ayaa waxaa iska cabin nafti hure nimo ah dul dhigay shacabka reer Wanlawen..
Falkan guracan oo ay Jufada Ceyr ee Habargidir lasoo doonatey degmada wanle-weyn ayaa waxaa ka dhiidhiyey islamarkaana is hor taagey shacabka deegaanka ayagoo u diiidey burcadan iney cagaha dhulka soo dhigaan.
Iska caabin ka dibna waxaa burcadii lagu qasbay in dib ugu laabtaan goobihii ay markii hore kasoo duulaan tagee iyo magalada muqdisho,
Dadka degen deegaan ayaa weli indho gaar ah ku eegaya falalka doqon magaratada ah ee Burcad beeleedkan abaabulan ay ka wadaan gobolka Sh/hoose guud ahaan si gaar ahna degmooyinka hada laga fara maroojiyay xarakada Shabaab.
Si kastoo loo dhigaba waxaa hubaal ah in Jufada Ceyr ee beesha Habargidir iska dhicin ma ahee ayan lahayn Waanwaan.
Daafeet.Com