War Deg Deg ah:Wariyihii Telefishinka Caalamiga ee Univewrsal Magaalada Laascaanood oo Goor dhaweyd oo Caawa ah la Dilay

0
136

Allah-ha u naxriistee Waxaa goordhaw oo caawa ah lagu dilay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool Wariye Axmed Sakiin Faarax oo Tefishinka Universal Tv uga soo warami jiray magaalada Laascaanood caasimada gobolka Sool waqooyiga Soomaaliya.

Wariyaha ayaa lasoo sheegayaa in ay dileen Kooxo hubeysan aan heebtooda la garanaynin iyadoona wali aan faah faahin dheeraad ah laga helin dilkan oo goordhaw oo caawa ah loo geestay Wariye Axmed Sakiin Faarax.

Dilkan Wariyahan ayaa goordhaw waxaa Baahiyay Telefishinka Universal uu Wariyahan ka shaqeenayay iyadoona dilkan caawa uu noqonayo mid kamid ah dilalka iyo tacadiyada kale ee ka dhanka ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolada Dalka.

 

Daafeet.com