Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya oo maanta la wareegay Leego ee gobalka Sh/hoose.

0
95

Ciidamada nabad ilaalinta ree Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa maanta la wareegay deegaanka Leego ee gobalka Sh/hoose ka dib dagaal culus oo halkaasi ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada xarakada Shabaab.

Dhanka kale dagaalka ayaa inta uu socday waxaa la sheegay in rasaasta Baasuukaha lagu dhuftay gaari rakaab ahaa oo ay saarnaayeen dad shacab ah oo halkaasi maraayay xilli dagaalka xoogiisa uu socday waxaana halkaasi ku geeriyooday 9 qofood iyadoona dhaawaca uu ku dhaw yahay 5 qof, waxaana halkii lagu dagaalamay haatan si buuxda gacanta ugu haaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Leego ayaa waxa uu ku yaalaa xuduuda kala qaybiso gobolada Bay iyo Shabeelaha hoose taasi oo weliba muujinaysa in xulifada dagaalka AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen guud ahaan xuduuda waqooyiGalbeed ee gobolka Shabeelada hoose xoogaga xarakada Shabaab oo weliba duulaan kasta ee kan xiga oo ay qaadaan huwantu uu noqon doono mid ay gudaha u galaan koonfurta gobolga Bay.

 

Daafeet.Com