Ciidamada dowlada oo maanta howlgalo lagu sugayo amaanka ka bilaabey magalada kismaanyo

0
69

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgal ka wada xaafadda Calaleey ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaasi oo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Howlgalka ayaa imanaya ka dib markii xalay saqdii dhexe ay maleeshiyada al-Shabaab weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Calaleey, kaasi oo loo adeegsaday qoryaha garbaha laga tuura.

Tan iyo markii magaalada Kismaayo laga saaray maleeshiyada al-Shabaab ayaa waxaa magaalada ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka aanba waxba galabsan ee ku dhaqan deegaanka.

Daafeet.Com