War deg deg ah Maleeshiyada beesha Habargidir oo caawa dagaal looga soo saaray magaalada Marka

0
76

Wararka ka imaanaya caasimada gobolka Shabeelaha hoose magaalada Marka ayaa waxay ku waramayaan in Caawa halkaasi uu ka dhacay iska horimaad u dhexeeya maleeshiyo beeleed kasoo jeeda jufada Ceyr ee beesha Habargidir iyo dhalin yarada degmada oo iskood isu abaabulay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib kolkii ruux deegaanka ah ay isbaaraysteen maleeshiyo beeleedka jooga degmada ayna ka qaateen lacago iyo moobaylkiisa kadibna waxaa mar qura xabado ka bilowdeen xaafadaha magaalada Marka ilaa ugu danbay magaalada dibada looga saaro maleeshiyo beeleedka beesha habargidir gaar ahaan kuwa jufada Cayr iyadoo wararkii ugu danbeeyayna ay sheegayaan in Shalanbood la isugu geeyay maleeshiyo beeleedkii jufada Cayr oo iyagu ku caanbahay burcadnimo hubaysan

Maleeshiyada jufada Cayr oo iyada hab qabiil u abaabulan misna dharka Ciidamada Xooga dalka ku labisan ayaa degmada ka waxay ka bilaabeen Canshuur ururin maalintii ah iyo Dil,Dhac,Kufsi oo ay habeenkii u gaystaan shacabka degan degmada Marka

Iska caabintan reer Marka ay sameeyeen caawa ayaa waxaa aad looga soo dhoweeyay gobolka guud ahaan oo mid la mid ah dhibaatada Marka ay ku hayaan burcad beeleedkan ay ku wada hayaan degmooyinka dhowaan lagala wareegay Shabaab sida Afgooye iyo Wanleweyn.

Magaalada Marka caasimada gobolka Shabeelaha hoose ayaa gacanta Dowlada Soomaaliya waxay soo gashay August 27 sanadkan ilaa iyo maantana waxaa halkaasi ka imaanayay cabashooyin shacabka degmada ay ka cabanayeen maleeshiyo beeleedkan abaabulan iyadoo dhanka kalena aanay jirin cid wax ka qabata falalka guracan ee burcad beeleedkan ay kula kacayeen shacabka gobolka Shabeelaha hoose guud ahaa gaar ahaan degmada Marka.

 

 

Daafeet.Com